Talika ciidamada xoogga dalka ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen Madaxii Sirdoonka Al-Shabaab ee Gobolka Shabeelaha hoose, kadib howlgal ka dhacay degaano hoos taga Jannaale.
,
Horjoogaha Alshabaab u qaabilsanaa Sirdoonka Shabeelaha Hoose Xasan Suleyt magaciisa afgarashada ayaa loogu yeeraa (Xasan Ganeey) iyo laba maleeshiyo oo la socday ayaa lagu qabtay Jannaale, siad uu idaacada ciidamada u sheegay Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogg Dalka Jeneraal C/xamiid Maxamed.
Taliyaha ayaa intaasi ku daray inay ciidamadda gacanta ku dhigeen Xasan Ganey isagoo ku dhuumaaleeysanaya degaanka Jannaale, kadib howlgal ciidanka ay ka wadaan Janaale iyo nawaaxigiisa, haatanna baaritaan lagu hayo.
Ciidamada Milateriga Soomaaliya ayaa tan iyo markii ay la wareegeen degaanka Jannaale waxay sheegeen inay qabteen maleeshiyo iyo horjoogayaal fara badan, iyadoo aan weli lasoo bandhigin.