Kooxda kooxda Borussia Dortmund ayaa dib u dhigtay ciyaartii ay caawa la yeelan lahayd kooxda reer France ee Monaco oo ka tirsaneyd 8 dhammaadka horyaaladda Yurub kadib qaraxyo lala beegsday kooxda.
Saddex Qarax ayaa lagu weeraray bas ay saarnaayeen kooxda iyadoo uu ku dhaawacmay laacibkooda Marc Bartra, isla markaana ay burbureen miraayadihii Baska ciyaaryahanadda siday.
Falkan kadib ayaa lagu dhawaaqay goor dhow in dib loo dhigay ciyaartii Borussia iyo Monaco, waxaana isbitaal la dhigay Marc Bartra oo dhaawac gaaray.
Xaallada ammaanka magaalada ayaa aad loo adkeeyay iyadoo ciidamo fara badan ay wadaan baaritaan.
Wakaalado