Thursday, June 26, 2025

Ciyaartoy Soomaali ah oo loo diray Koobka K/Cagta Adduunka ee Russia 2018 [Maxay sameynayaan..?]

Xiriirka kubadda cagta Soomaaliya ayaa shaciyey inuu saddex ciyaaryahan u diray dalka Ruushka, iyadoo  u daawasho tegay ciyaaraha kubadda cagta adduunka 2018, iyagoo qeyb ka noqonayaan ciyaartooy badan oo adduunka laga kala keenayo oo lagu casuumay koobka adduunka.

Guddoomiyaha xiriirka Cabdiqani Siciid ayaa sheegay in xiriirka kubbada cagta adduunka ee FIFA ay soo codsatay dhalinyarada oo ka tirsan ciyaartoyda da’doodu ka yar tahay 17 sano jirka ee ka ciyaara dhinaca difaaca oo ah shuruud ay FIFA u baahneyd xayna ka dheelaan booska difaaca, taas oo ahayd shuruudii ay FIFA u baahnayd.

“Dhalinyaro ciyaartooy oo saddex ah ayaan u dirnay, waxa ay qeyb ka yihiin barnaamij FIFA ay ugu magacdartay Saaxiibtinimada Kubbada Cagta, waxayna tageen magaalada Moscow, ujeedkana waxay tahay in dhalinyarada adduunka ka imaanaya ee ka kala imanaya qaaradaha kale duwan ee adduunka ay is dhaxgal sameeyaan”.   ayuu yiri guddoomiyaha xiriirka K/cagta Soomaaliya.

Soomaaliya ayaan weligeed ka qeybgalin xul ahaan ciyaaraha adduunka, balse waa markii koowaad ee ciyaartooy Soomaali ah ay si rasmi ah qeyb uga noqdaan koobka adduunka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON