Maxamed Salaax oo kooxda Liverpool uga weerarka hore ayaa loo xushay in uu ka mid noqdo xulka Masar ee Koobka Adduunka ka qaybgalaya sanadkan 2018, inkastoo uu dhaawac ka soo gaaray ciyaartii kama dambaysta ahayd ee koobka Horyaallada Yurub.
Salaax oo 25 jir ah ayaan ciyaaryahannada xulka qaranka la kulmi doonin inta ka horraysa 9 Juunyo, maadaama oo uu wali ka soo kabanayo dhaawac, sida uu sheegay xulkiisa qaranka oo is diyaarinaya ciyaaraha koobka adduunka ee Ruushka 2018 oo bartamaha bishan furmaya.
Masar ayaa ciyaarta u horraysa ee Koobka Adduunka la yeelan doonta Uruguay 15 Juunyo. Wuxuuna laacibka shalay soo dhigay bartiis twitterka inuu xaalkiisu soo hagaagayo, taasoo rajo fiican gelisay jamaahiirta dalkiisa.
Bisha Juunyo 19-keedana waxay foodda is dari doonaan Ruushka oo martigalinaya Koobka Adduunka, ciyaarta kama dambaysta ah ee horinta A waxay isaga hor iman doonaan Sacuudi Carabiya 25 Juunyo.