Monday, June 23, 2025

C/kariin Guuleed oo saaka ku wajahan Gaalkacyo & ku xigeenkiisa oo Caabudwaaq taageero ka waayay

Madaxweynaha Galmduug Cabdikariin Xusen Guulee iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta ku sii  jeeda  magaalada Gaalkacyo oo qabanqaabada soo dhowyntiisa ay ka socotay ilaa shalay, iyadoo ay tahay markii ugu horeysay ee uu socdaal ku tago  tan iyo intii la doortay.

Guuleed

Wafdiga C/kariin Guuleed ayaa safar dhinac lugta uga baxaya magaalada Cadaado, wuxuuna sii mari doonaa degaanada Gelinsoor iyo Bandiirley oo sidoo kale la sheegay inuu ku hakan doono si dadweynaha degaanadaasi uu ula hadlo.

Ad

Magaalada Gaalkacyo ayaa laga dareemayaa abaabul iyo dadweyne fara badan oo loo diyaariyay inay soo dhoweeyaan Wafdiga madaxweynaha Galmudug, waxaana la filayaa inuu halkaasi kulamo kula qaato madaxda magaalada, odayaasha iyo qeybaha bulshada oo la-tashiyo uu kala yeelan doono dhismaha golaha wasiirada Galmudug.

Dhinaca kale madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa ku sugan degmada Caabudwaaq oo hore looga hor istaagay inuu C/kariin Guuleed socdaal ku tago. Maxamed Xaashi Carabey ayaa xaalad adag ka heysataa beeshiisa oo ku kala qeybsan taageerada maamulka Cadaado lagu dhisay ee Galmudug isagoo aan weli ku guuleysan inuu ku qanciyo taageerada maamulka uu hogaamiyo C/kariin Guuleed.

Goobjooge.com

- Advertisement -

[ad name=”HTML-1″]

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON