Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa kulan qado ah oo uu dhowaan la qaatay xildhibaanada Beesha Hawiye uga xog warramay xaalada kala guurka ah ee dalka iyo sirta ku qarsoon wareegtadii Madaxweyne Xasan Sheekh ku ansixiyay heshiiska Qaabka Doorashada 2016.
Guuleed ayaa xildhibaanadaasi u sheegay in wareegtada ay ahayd mid lagu qasbanaa oo Beesha Caalamka taladeeda lahayd, haddii aanu madaxweyne sidaasi yeelin loogu hanjabay in Golaha Ammaanka xaaladda Soomaaliya la wareegayo.
Wuxuu intaas ku daray inay madaxda madasha iyo kuwa dowladda Federaalka oo uu ku jiro Guddoomiyaha Baarlamaanka taageereen go’aanka madaxweynaha, laakiin ay jirto in arrinta Gobolka Banaadir looga hadlayo shirka Madasha ee la qabanayo Axadda 29 Bisha May oo ay rajo weyn ka qabaan in lagu ogolaado in xubno ka mid noqda Aqalka Sare loogu daro Gobolka Banaadir.
Goobjooge.com