Iyadoo ay socoto tirinta codadka cod bixinta dadweynaha Britian ee loo qaadayo in dalkaasi ka sii mid ahaado Midowga Yurub iyo inuu isaga baxo oo gooni isu taago ayaa waxaa hogaanka codadka ku horeeya dadka doonaya in Ingiriisku ka baxo Midowga Yurub.
Cod bixinta oo dhacday shalay waxay noqotay tii ugu adkeyd, waxaana laba dhinac ay saameyn weyn ku yeesheen dadka dalkaasi ee kala qeybssan, waxaana durba soo baxday cabsi ku saabsan in Ingiriisku ku socdo inuu ka baxo Midowga Yurub.
Natiijada xilligan socota tirinteeda waxaa hogaanka haya kooxda taageersan in Ingiriisku ka baxo Midowga Yurub, taasina waxay keentay in lacagta Britian ee Ginniga istarliinka (Pound) ay hoos u dhacdo ayna gaarto heerkii ugu hooseeyay tan iyo sanadkii 1985, waxayna gaartay halkii Doolar 1.35.
Natiijada ayaa iska soo daba dhaceysa, iyadoo mar waliba isbedel ku imaanayo markii codadka la tirinayo ay soo bataan. BBC ayaa saadaalisay in UK ka bixi doonto Midowga Yurub. Saxaafadda Ingiriiska ayaa dhammaanteed iminka saadaalineysa in Britian ay isaga baxday Midowga Yurub arrintan oo dhaawac weyn ku ah dad badan oo ay ka mid tahay Soomaalida dalkaasi tegay iyo dalalka kale ee Yurub.
Ka bixitaanka Ingiriiska ee Midowga Yurub ayaa saameyn weyn ku yeelan doonta dunida oo dhan, waxaana la saadaalinayaa in dhaqaale ahaan UK wajihi doonto dhibaatooyin waqtiga dhow.
Natiijadii ugu danbeysay ee BBC-da ayaa sheegeysa in kooxda diidan in Midowga Yurub ka baxdo Ingiriiska ay heleen codad dhan 52%, halka 48% ay heleen kooxdii u raacsaneyd Midowga Yurub.
Ingiriiska ayaa iminka si rasmi ah uga baxay Midowga Yurub kadib muddo 43 sanadood ah oo uu ku jiray, waxayna tani isbedel weyn u keeni kartaa dalkaas.
HALKAN KALA SOCO NATIIJADA UGU DAMBEYSA
EU Referendum Results
Goobjooge.com