Thursday, June 26, 2025

Col. Cusmaan Xaadoole oo ku guuleystay Kursi Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Somaliya

Sarkaal ka tirsan ciidmada Milateriga, kana mid ahaa saraakiishii hoggaamineysay ciidamadii Badbaado Qaran ayaa ku guuleystay kursi ka tirsan Baarlamaanka Federaalk Soomaaliya oo doorashadiisa goor dhoweyd ka dhacday magaalada Jowhar..

Col. Cismaan Maxamed Maxamuud (Xaadoole) oo ay kursiga beeshiisa ee HOP106 kula tartameen 3 musharax oo kale ayaa wareegii koowaad helay codad dhan 56 cod, isagoo sidaasi ku noqday xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka sida ay shaaciyeen Guddiga Doorashada Hirshabeelle.

Natiijada codeynta wareegga koowaad ayaa noqotay, sida soo socota:

1- Cismaan Maxamed Maxamuud Xaadoole wuxuu helay 56 cod.

2. Yaxye Abuukar Aadan wuxuu helay 25 Cod.

3- Bashiir Maxamed Yuusuf wuxuu helay 20 cod

4. Fowziya Sheekh Cali Maxamuud Wax cod ah ma helin

Kursiga HOP106 waxaa isu sharxay lix musharax, waxaase tartanka galay 4 ka mida, iyadoo uu kusoo baxay Cusmaan Xaadoole.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON