Sunday, July 13, 2025

Colaadda Somalida iyo Cafarta Itoobiya oo saameyn ku yeelatay Jabuuti iyo wararkii ugu danbeeyay..

Dagaalada Qowmiyadaha Soomaalida iyo Cafarta ee dalka Itoobiya ayaa saameyn ku yeeshay kuna fiday dalka Jabuuti, markii ay iska hor imaadyo ka dhaceen xaafado ka tirsan magaalada Jabuuti.

Dowlada Jabuuti ayaa faahfaahisy rabshadihii ka dhacay xaafado ka mida caasimadda dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ee u dhexeeyay Qomiyadaha Soomaalida iyo Cafarta, waxaana rabshadaha ku dhintay tiro dad ah, iyadoo lagu gubay guryaha shacabka.

Wasirka arrimaha gudaha ee dowladda Jibuuti Saciid Nuux Xasan warbaahinta dowladda ka hadlay ayaa sheegay inaaan loo dul qaadan karin isku dhacyada ka dhacay Jabuuti, Wuxuu caddeeyay inay arrin halis ah ka dhacday Jibuuti kadib markii dadku ay gubeen Aqallo dadka shacabku lahaayen.

“Maanta arrin halis ah ayaa dhacay in Aqalladii dadku lahaayen shicibku lahaayen la gubo arrinka arrin ay dowladdu u dul qaadanayso maaha” ayuu yiri wasiirka Saciid Nuux Xasan oo sheegay in tallaabo lag qaadayo dadka rabshadaha wada.

Qaara ka mid ah dadweynaha reer Jibuuti ayaa sheegay in ay ka xunyihiin isku dhacyada u dhaxeeya qoomiyadaha Canfarta iyo Soomaalida ee dalka wada dago iyagoo ugu baaqay inay nabadda ka shaqeeyaan isla markaana ay door bidaan dajinta xiisadda halkii ay sii hurin lahaayen.

Wasirka arrimaha gudaha ee dowladda Jibuuti Saciid Nuux Xasan ayaa baaq u diray dadka reer jabuui gaarahaann waalidiinta isagoo intaa ku daray in wiixi maanta ka dambeeya ay dowladdu gacan adag ku qaban doonto dadka ku dhiirada rabshadahan oo kale.

“Waxaan leeyahay waalidiinta inay fidnada dhagaxtuurka ka bilaamaya oo aan carruur ku koobneyn ee lagu daba jiro,waxaan ku wargelinayaa inay carruutooda ka adkaadaan sababtoo ah dowladdu wixii manata ka dambeeya fara adag ayay ku qabanaysaa arrinka adowladdu”.

Ciidamada Amniga Jabuuti ayaa ka hortegay rabshadaha, waxayna la kulmeen da dhagxaan ku tuuraya, halka wararka qaar sheegeen in la xiray tobabaab qof oo rabshadaha qeyb ka ahaa.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON