Friday, July 4, 2025

Colin Powell: Madowgii ugu horeeyay ee xilal Sare ka qabtay Mareykanka oo Geeriyooday

Collin Powel taariikhda uu galay ka sokow waxaa sumcadiisa dhaawacay ololihiisii dagaalkii Ciraaq lagu qaaday iyo Dhaladii Kiimikada ee uu la tegay Q/Midoobay

Ninkii Madow ah ee ugu horeeyay dalka Marekanka oo noqda xoghayaha Arrimaha dibadda Mareykanka iyo Milateri ahaan sarkaalkii ugu darayo sareeyay ee Colin Powell ayaa geeriyooday.

Wuxuu kaloo Collin Powell soo noqday la-taliyaha Amniga Qaranka ee Mareykanka, waxaana maanta la shaaciyey inuu u dhintay caafimaad xumo ka dhlatayu cudurka Covid-19, inkastoo laga tallaalay cudurka.

Powell ayaa 84 sano jir, wuxuuna muddo dheer ka tirsanaa xisbiga jamhuuriga ee dalka Mareykanka. “Waxaan luminay sey cajiib ah, aabbe jeclaa qoyskiisa, awoowe iyo muwaaddin Ameerikaan weyn,” ayay geeridiisa ku shaaciyeen qoyskiisu farriin ay soo dhigeen Facebook.

Powell wuxuu ahaa mid ka mid ah shaqsiyaadka hormuudka u ah madowga Mareykanka muddo tobanaan sano ah. Waxaa xilal sare u magacaabay magacaabay seddex madaxweyne oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga, isagoo noqdey sarkaalkii ugu sareeyay ee madow oo gaara darajada ciidamada ugu sareysa.

Waxaa dhaawac weyn kasoo gaaray qeybtii uu ku lahaa dagaalkii Mareykanku ku qaaday dalka Ciraaq ee kumanaanka qof ku dhinteen, isagoo ku caan baxay khudbadii uu ka jeediyey golaha Amniga Q/Midoobay ee uu ku muujiyey dhalo yar oo uu soo qaatay inay dowladii Sadaam Xuseen heysto Hubka Kiimikada ah sida Anthrax oo uu Dhalo kusoo qaatay, taasoo markii danbe been noqotay.

Powell, oo ku dhaawacmay dalka Vietnam, wuxuu soo noqday la-taliyaha amniga qaranka ee Maraykanka intii uu Madaxweyne Ronald Reagan joogay 1987 ilaa 1989. Isagoo Jeneraal Ciidan ah ayaa wuxuu ahaa guddoomiyaha Taliyeyaasha Ciidamada ee Wadajirka ah ee militariga xilligii Madaxweyne George H.W. Bush intii lagu jiray Dagaalkii Khaliijka ee 1991-kii kaas oo ciidammada Mareykanku hoggaaminayo ay ka eryeen ciidamada Ciraaq deriskooda Kuwait.

Powell, ayaa madaxweyne Bush-ka yar u magacabay xogyahii arrimaha dibadda, isagoo noqdey qofkii ugu horeeyay ee madow ah oo xilkaasi qabta. Wuxuu ka tegay xaas iyo saddex caruur ah.

Wuxuu kasoo jeeday dalka Jamaica, iyadoo ay qoyskiisa kasoo guureen halkaasi, wuxuu markii danbe ka hor yimid madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON