Isbitaalladii ugu waaweynaa magaalada Muqdisho ayuu saameyn xoog leh ku yeeshay Cudurka saf-mareenka ah ee Coronavirus, iyadoo shaqadooda ay gaabis noqotay, halka qaar kale ay xireen qeybihii bukaan-socodka.
Isbitaalka ugu weyn caasimadda ee Erdogan (Ex. Difgeer) ayaa joojiyey qabashada bukaan socodka, waxaana shaqadiisa lagu soo koobay xaaladaha degdegga ah oo aad u kooban, kadib markii dhaqtar iyo shaqaale ka tirsan ay cudurka Covid-19 ka qaadeen bukaano isbitaalka tegay.

Isbitaalka labaad ee ugu weyn caasimadda Yardimeli ayay shaqadiisu gabaabsi noqotay toddobaadkii hore markii uu saameyn ku yeeshay cudurka Covid -19, waxaana dhaqtar iyo kalkaaliyeyaashii ugu waaweynaa ee isbitaalka soo ritay cudurka Coronavirus oo loo aaneeyay inay ka qaadeen xildhibaan isbitaalkas ku dhintay.
Isbitaallada Muqdisho oo xaalad adag ay xilligan heysato ayaa intooda furan waxay ku shaqeeyaan xaalad adag, iyagoo aan kala saarin karin bukaanada u yimaada ee qaba Covid-19 iyo kuwa kale, waxayna go’ansadeen inay Isbitaal Martiini u diraan qof kasta oo ay uga shakiyaan Coronavirus.
Dhinaca kale bahda caafimaadka Muqdisho ayaa xalay iyo maanta u murugoonaya geerida Samsam Cali oo ahayd gabar kal-kaaliso ah caafimaad ama Umuliso ah, kana howlgeli jirtay Isbitaalka Kalkaal ee magaalada Muqdisho, waxaana la xaqiijiyey inay u geeriyootay Cudurka COVID-19.

Dhaqaatiirta iyo shaqaalaha caafimaadka Muqdisho ayuu saameynta uu weyn ku yeeshay cudurka Covid-19, taasoo ay ugu wacan thay iyagoo aan u diyaarsaneyn cudurka ama aan heysan qalabka looga hortago ee PPE.