Ololaha Doorashada Musharaxa siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame ma aha oo kaliya midka ugu dheereeya xilligan ee waa si fiican u nidaamsan marka ay timaado warbaahinta.
Dad badan ayaa is weydiinaya in siyaasigan ay dhab ka tahay inuu isu sharaxo xilka madaxweynaha Soomaaliya, waxayna dib u xusuustaan halkii uu ku danbeeyay ololihiisii sanadkii 2012 oo markii dambe la waayay meel uu ku dhammaaday markii uu si aan la ogeyn uga siibtay.

Waa iska caadi in la arko siyaasiyiin badan oo xilligan u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya iyo inay si labalaab ka badan u kordhaan, maxaa yeelay intooda badan waxay ka tahay in taariikh nololeedka ay u gasho oo qura, qaar kalena waxay u been guurayaan beelahooda oo xildhibaanimo uga rabaan.
Siyaasiga qabsaday baraha Bulshada sida FACEBOOK, Warbaahinta Gudaha, Wadooyinka Muqdisho oo sawirrada suran oo hadda leeyahay 90% in ka badan, isla markaana sameystay koox ololihiisa qaabilsan, isagoo farriimo is daba jooga soo dira, ahna ninka dhaqaajiya shirarka siyaasiyiinta mucaaradka waxaa la yaab noqon doonta haddii masraxa laga waayo marka dagaalka siyaasadeed uu gaaro halkii loo socday.
Xuuraankeenu wuxuu sheegayaa in ka sokow sumcad xumada suuqa loo geliyay musharaxan ee ah uu Badda Soomaaliya gatay aanu C/raxmaan C/shakuur u socon inuu qabto xil madaxweyne boola-xooftadiisuna tahay indha-sarcaad lagu doonayo xil soke.
Xilka ugu weyn ee uu doonayo C/raxmaan kama badna isbaheysi uu la sameysto musharaxa ugu culus si uu dowladda cusub meel uun uga soo galo.

Wasiirkii Qorsheynta ee dowladii KMG ahayd ee Ra’iisal Wasaare Cumar C/rashiid iyo Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed oo ah ninka hadda xilka madaxweynaha isu sharxay mar kaliya ayuu heshiis caalami ah saxiixay, waana markii uu muran geliyay Xuduudka Badda Soomaaliya isagoo ku doodaya inuu amarka saaxiibkiisa Cumar C/rashiid ku saxiixay is-fahamka ay Kenya ilaa maanta ku doodeyso.
C/raxmaan C/shakuur & Cumar C/rashiid waxay wada saaran yihiin hal Doon, nasiibka Cumar C/rashiid ku soo celiyay xilka Ra’iisal wasaarenimo ma lahayn C/raxmaan oo dowladda Xasan Sheekh kama helin wax ka badan La-taliye Madaxweyne, dhinacaasina wuxuu qeyb ka leeyahay eeda waxqabad la’aan ee dowladda uu madaxweynaheeda la-taliyaha u ahaa intii aanu shaqo ka helin xafiiska siyaasadda Q/Midoobay ee Soomaaliya.
Isku soo duuboo Musharax madaxweyne C/raxmaan C/shakuur uma muuqdo musharax dhab ah oo u taagan xilka Madaxweyne ee waa boos celis siyaasigu ku doonayo inuu uga baxo abaartii xil la’aaneed ee ka soo wajahday dowladii Xasan Sheekh.
FAALLO
Goobjooge.com