Kulan wayn oo ay odayaasha, siyaasiyiinta, haweenka, dhalinyaradda iyo aqoonyahanka Beesha Habargidir isugu yimaadeen ayaa lagu taageeray Avv C/raxmaan C/shakuur oo u Musharax u ah xilka madaxtinimo ee 2016.
Siyaasiyiin ay ka mid yihiin Axmed Macalin Fiqi, Gacmadheere, Kamaal Guutaale, oo madasha ka hadlay ayaa sheegay in ay soo dhowaynayaan musharaxa, iyagoo hoosta ka xariiqay in musharaxu yahay nin xilka u qalma xilka sare ee dalka, waxayna kula dardaarmeen in hiil iyo hooba lala garab istaago musharaxa.
Waxaa sudoo kale madasha ka hadlay odayaal ay ka mid yihiin Axmed Diiriye, Abuukar Ganeey, Xasan Cilmi Yaxye, Taana Gooste oo dhamaantood sheegay in Beeshu ay sanadkan si weyn diyaar ugu tahay xilka Sare ee Soomaaliya, iyagoo sheegay in aysan jiri doonin in Beeshu Musharax kale ay taageerto.
Odayaasha ayaa ku nuux nuuxsaday in loo baahan yahay Ganacsata iyo aqoonyahanka Beesha in ay Musharaxa kala shaqeeyaan olalaha doorashadda iyagoo sheegay in la magacaabayo gudi heersare ah oo arrinkaas ka shaqeeya isla markaana beelaha kale la xaajooda.
Dr Maxamad Xaaji Ingiriis iyo Abshir Odowaa oo labaduba magaca aqoonyahanka ku hadlay ayaa si wayn uga faalooday Taariikhda iyo maqaamka ay Beeshu ku lahayd bulshadda Soomaaliyeed, iyagoo sidoo ku dheeraaday aqoonta iyo waayo aragnimadda uu musharaxu u leeyahay siyaasadda Soomaaliya iyo xirirka Caalamiga ahba kuna dhiira geliyey Beesha in sanadkan lala duubto Musharaxa Avv C/raxmaan C/shakuur maalmahan ku hawlanaa kulamo wadatashi ah oo uu qaybaha kala duwan ee Beesha la lahaa.
DAAWO SAWIRRO
Goobjooge.com