Monday, June 23, 2025

C/raxman Faroole oo buuxiyay booskii Madaxweyne Gaas & abaabul uu ka bilaabay Garowe

Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) ayaa la sheegay inuu dhaqdhaqaaq weyn ka wado magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland, kadib markii Alshabaab tiro badan ka degaan xeebaha Puntland.

C/raxmaan Faroole oo ka jawaabay xaaladda degdega ee colaadeed ayaa la arkayay isagoo ka qeyb galaya shirkii degdega ahaa xukuumadda Puntland shalay yeelatay, waxaa kaloo uu kulamo la yeeshay saraakiisha iyo taliyeyasha ciidamada Puntland, intaas kuma ekaane wuxuu abaabul ka dhex bilaabay beelaha isagoo hadda ah qofka ugu sareeya ee hogaaminaya dagaalka looga horjeedo Alshabaabta ku soo duushay Puntland.

Xaaladan ayaa ku soo aaday iyadoo uu Puntland ka maqan yahay madaxweynaha maamulkaasi C/weli Maxamed Cali (Gaas), taasoo qasabtay in C/raxmaan Faroole uu buuxiyo booskii madaxweynaha maqan.

Ad

Madaxweynihii hore ee Puntland ayaa hore culeys weyn oo siyaasadeed ugu ahaa C/weli Gaas, wuxuuna had iyo goor saameyn ku leeyahay xaaladaha siyaasadda iyo ammaanka Puntland intii dib ugu soo laabtay deganaadaasi sanadkii hore ee 2015.

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON