Tuesday, July 1, 2025

Cudurka CoronaVirus oo ku dhacay Wasiir ku xigeenkii Caafimaadka Dalka Iiraan.. (Sawirro)

Dowladda Iiraan ayaa xaqiijisay in Wasiir ku-xigeenkii Caafimaadka ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran Mr. Iraj Harirchi laga helay cudurka Coronavirus ee COIVD-19.

Warkan oo si weyn lo baahiyey ayaa lagu sheegay in Wasiir ku-xigeenka Caafimaadka uu ku dhacay cudurka, haddana la karaantiilay iyadoo la baahiyey muuqaal uu shir jaraa’id ku qabanayo Isniintii hore oo xaaladiisa aysan fiicneyn, dhidid badanna uu ka socday.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Caafimaadka dalka Iiraan ayaa sheegay in Wasiir ku-xigeenka Iraj Harirchi uu safka hore kaga jiray dagaalanka lagula jiro cudurka, arrintan ay muujineyso inuu cudurku si weyn ugu faafayo dalka Iiraan.

Madaxweynaha Iiraan Hassan Rouhani ayaa shacabka dalkaasi ugu baaqay inaysan argagax isku abuurin, ayna la tacaalayaan xaaladda. Iiraan ayaa waxaa cudurka uu ku dilay 15 qof, waxaana ilaa hadda qaba dad ku dhow 100 qof.

Wasiir ku-xigeenkii Caafimaadkae IRAN Mr. Iraj Harirchi
Image result for Iraj Harirchi
A map showing how the coronavirus outbreak has spread from Iran across the Middle East to countries including Kuwait and Iraq. All the cases shown above have been traced back to Iran

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON