Waxaa laga cabsi qabaa inuu cudurka Coronavirus soo laba kacleeyo degaanada Soomaalida, kadib markii dunida oo dhan uu saameyn xoog leh ku yeeshay.
Warbixin ay saaka soo saartay Wasaaradda Caafimaadka dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheeya in shantii maalmood ee ugu dabeysay cudurka laga baaray 2,704 qof, lsla markaana laga helay Cuurka Coronavirus: 157 ruux.
Puntland ayaa ah degaanka ugu badan ee cudurka laga helay, waxaana kusoo xiga Somaliland ay ku xigto, iyadoo ay muuqato inuu si weyn u kordhayaan kiisaska dadka laga helayo cudurka; Tirada iyo degaanada laga helay ayaa kala ah:
Puntland : 134
Somaliland: 20
Banadir: 2
Galmudug: 1
Dadka cudurka laga helay 98 qof ayaa rag ah, halka 59 ay dhedig yihiin. Guud ahaan tirada la diiwan geliyay Soomaaliya ayaa gaareysa: 3,74,5, waxayna dhimashadu mareysaa inta la ogyahay 99 qof.
