Tuesday, June 24, 2025

Culimada Muqdisho oo Dowladda ka dalbaday in la dhiso Hay’adda Wanaag farrida iyo xumi-reebidda (Akhriso)

Culimada Soomaaliyeed ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho ayaa ka digay halista dhalankarta Anshax Xumada iyo Mukhaadaraadka sida weyn ugu soo batay dalka iyo gaar ahaan caasimadda Muqdisho.

Bayaan ay soo saareen culimada oo uu saxaafadda u akhriyay guddoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa lagu dalbaday in si wadajir ah looga hortago falalka anshax darrada ah, lana joojiyo mukhaadaraadka ku sii badanaya dalka.

Culimada waxay soo jeediyeen in dalka laga hirgeliyo Hay’adda Wanaag farrida iyo xumi-reebidda (Hay’adda la-dagaanlan anshax xumada) iyo in la dhiso Hay’ad culimo oo dastuuri ah oo eegta sharciyada dalka loo sameynayo.

HOOS KA AKHRISO BAYAANKA

Hay’adda Culimada Soomaaliyeed oo ku baaqday in lala dagaalamayo dhaqanada Diinta ka soo horjeedoShir ay magaalada Muqdisho ku yeesheen Culimada, Qeybaha Bulshada iyo Hay’adaha Dowladda ayaa lagu falanqeeyay xaaladaha la xariira anshax xumada isa soo taraysa iyo mukhadaraat ama Maandooriyaha dalka ugu sii fidaya si xowli ah.

War Murtiyeed Shir ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan Hotel Dayax, maanta oo ay taariikhdu tahay 2/Safar/ 1442, kuna beegan 20/Sep/2020, ayna soo abaabuleen culumada Soomaaliyeed, ayna ka soo qayb galeen qaybaha bulshada, sida: Odayaasha Dhaqanka, Haweenka , Dhallinyarada, Ganacsatada, Aqoon yahanka iyo Saxaafadda, sidoo kale ay ka soo qayb galeen hay’adaha dowladda qaar ka mid ah, sida Wasaaradda Cadaaladda, Wasaaradda Warfaafinta, Wasaaradda Awqaafta, Booliiska soomaaliyeed, shirkaas oo lagu falanqeeyay xaaladaha la xariira anshax xumada isa soo taraysa iyo mukhadaraat ama Maandooriyaha dalka ugu sii fidaya si xowli ah.

Shirka waxaa ka hadlay masuuliyiin matalaya dhammaan qaybaha ka soo qayb galay, waxaana la is dhaafsaday xog ku saabsan mowduuca la isugu yimid ka dibna waxaa la soo jeediyay talooyin wax ku ool ah oo wax looga qaban karo, waxana ka mid ah:

-In ilaalinta anshaxa iyo la dagaalanka mukhadaraadka la siiyo mudnaanta koowaad, sida ay diintu na farayso masuuliyadunaIn hay’adaha dowladda ee ku shaqada leh ilaalinta Anshaxa guud ee Bulshada iyo wacyi galinta Ummadda ay iska kaashadaan sidii ay u yeelan lahaayeen qorshe midaysan oo la xariirta.

In qaybaha kala gadisan ee shacabka iyo hay’adaha dowladdu iska kaashadaan la dagaalanka anshax xumada iyo mukhadaraadka , culumadana loo fududeeyo dacwadda iyo wacyigelinta.

In dalka laga hir geliyo Hay’adda Wanaag faridda iyo Xumaan reebidda, loona magacaabo guddigii diyaarin.

In si deg deg ah- la dajiyo lana ansixiyo sharciga la dagaalanka mukhadiraadka.in la dhiso gole culumo oo dastuuri ah oo hubiya is waafaqsanaanta xeerarka la soo saarayo iyo shareecada islaamka ,sida dastuurku qabo.

In wax laga qabto hay’adaha ajnabiga ah ee ku lug leh anshax xumada iyo mukhadiraadka.

In la qabto shir weyne qaran oo ku saabsan la dagaalanka anshax xumada iyo mukhadiraadka.in laga hortago oo la joojiyo wax kasta oo dhiirigalinaya anshax xumada iyo fuxshiga , sida is dhexgalka qaabka daran , iyo meelaha lagu tunto.

Wabillaahi Towfiiq

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON