Majmaca Culimada Soomaaliyeed ayaa bayaan ay soo saareen ku sheegay inuu diinta islaamka ka baxay nin soo bandhigay sawir uu sheegtay inuu yahay Nebi Muxamed NNKH.
Arrinta oo maalmahan la hadal yahay ayaa ka dhacday magaalada Magaalada Gaalkacyo oonin lagu magacaabo C/weli Sheekh Cali uu soo bandhigay Nin lagu sheegay inuu yahay Nabi Muxamed, taasoo si weyn ay u naqdiyeen dadka iyo culimada.
Bayaanka Majmaca culimada ayaa lagu caddeeyay in ninka soo bandhigay sawir uu ku sheegay in uu yahay Nabigeena NNKH uu Diinta Islamka , iyadoo bogaadiyay tallaabada ay qaadeen maamulka Galmudug.
Gudoomiyaha Hay’adda Culimadda Soomaaliyeed Sheekh bashiir Axmed Salaad ayaa codsaday in ninkaasi sharciga la marsiiyo,maadaama uu sameeyay fal ka baxsan diinta Islaamka.