Sunday, July 6, 2025

Culimo shaaacisay inaysan bannaaneyn Qaraxyada is-miidaaminta oo Weerar is-miidaamin ah lagu qaaday

Ugu yaraan 7 qof ayaa ku geeriyootay, 9 kalena way ku dhaawacmeen qarax ismiidaamin ah oo maanta lagu qaaday kulan ay isugu yimaadeen culimada dalka Afghanistan, meel u dhow magaalada Kabul.

Qaraxa ayaa dhacay, iyad oo 2,000 oo qof oo xubno ka ah golaha culimada dalka Afghanistan ay hakiyeen kulankooda, ayna ka tagayeeen xarunta kulanka. Daqiiqado ka hor ayaa culimadu waxay soo saareen fatwa ay shaaca uga qaadeen in ismiidaamintu aysan ku bannaaneyn shareecada Islaamka.

Culimada ayaa ka codsaday dowladda Afghanistan iyo kooxda Taliban inay isku raacaan xabadjoojin, ayna galaan wad-xaajood lagu gaarayo heshiis nabadeed.

Qaraxa ayaa ka dhacay albaabka mid ka mid ah goobta uu kulankaasi ka socday iyada oo qaar ka mid ah ka qayb galayaasha ay xilligaasi goobta ka sii baxayeen .

Waa mid ka mid ah qaraxyadii ugu dambeeyay dhowr qarax oo is xig-xiga oo ka dhacay caasimada Kabul muddooyiinkii ugu dambeeyay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON