Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa digniin kasoo saaray heshiis Amni oo la hadal hayo inuu xilligan dhex mara Madaxda dalalka Itoobiya, Soomaaliya iyo Eritre.
Qoraal uu soo diray ayuu Cumar C/rashiid ku sheegay ayuu uga digay isku dayga heshiis amni iyo difaac oo u dhaxeeya Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya uu yahay arrin khatar ah oo u baahan in fiiro gaara loo yeesho.
Iyadoo ay ugu wacan tahay sida sharciga ka baxsan ee Hay’adaha lo adeegsadya ayuu Cumar C/rashiid acaddeeyay inay tahay xaalad aad halis u ah noqoneyso haddii Madaxda Dowladda waqtigeedu dhammaaday ee Soomaaliya isku dayaan inay heshiis Amni ku saxiixdo Addis Ababa.
Warkan ayaa yimid iyadoo dhowaan la hadal hayey in madaxda saddexda dal ee Itoobiya, Soomaaliya iyo Eritrea ay heshiis Amni ku gelayaan magaalada Addis ababa, halkaasi uu tegi doono madaxweynaha xilkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Farmaajo.
Ra’iisal wasarihii hore Cumar C/rashiid ayaa muddooyinkan danbe soo nooleeyay dhaqdhaqaaqiisii siyaasadeed, isagoo ka hadlaya fekerkiisa ku saabsan xaalada kala guurka ah ee dalku marayo.
