Ra’iisal wasaariihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo ku sugan magaalada Dubai, ayaa ka hadaly xiisada siyaasadeed ee ka oogan Golaha Shacabka iyo mooshinka laga keenay guddoomiye Jawaari.
Cumar Cabdirashiid wuxuu sheegay inuu ku talinayo arirnta Mooshinka Guddoomiyaha Jawaari lagu dhameeyo wadahadal, haddii laga fursan waayana loo maro dariiqa sharciga iyo xeer hoosaadka baarlamaanka, isagoo taageeray dadaalka Aqalka Sare ku jiro.
“Waa arin u baahan in si dhaqse ah loo xaliyo, waayo haddii ay soo jiitanto waxaa ay cuuryaamin kartaa howlihii golayaasha dowladda, haddii ay taa suurtal noqon weysana waa in cod loo qaado sida uu xeer hoosaadka iyo dastuurku qabo’’ ayuu yiri Cumar C/rashiid oo warramay Hiiran Online.
Cumar C/rashiid oo ah senator ka tirsan Aqalka Sare oo muddo sanad ah aan soo xaadirin Muqdisho ayaa soo dhoweeyay go’aanka Aqalka sare ay ka qaateen arintan iyo tallooyinka ay soo jeediyeen oo sida uu hadalka u dhigay u baahan in sida ay u dhigeen loo qaato.
Dhinaca kale wuxuu Cumar C/rashiid iska fogeeyay heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee shirkadda DP World, Itoobiya iyo Somaliland ku dhex maray Dubai, wuxuuna sheegay in xukuumadii hore uu isagu hogaaminayay iyo dowladdii Xasan Shekh aysan wax heshiis ah oo ku saabsan arrimaha dekeddaha la gelin shirkadda DP World, wuxuuna caddeeyay in saxiixa heshiisyadan labada dekeddood ee Boosaaso iyo Berbera ay dhaceen bishii March sanadkii 2017-da, ayna eedeeda leedahay owladda hadda jirta oo mas’uuliyadooda qaadeysa.