Thursday, June 26, 2025

Cumar C/rashiid & C/weli Gaas oo shir kale ugu haray Kismaayo & madaxdii kale oo ka dhoofay

Wararkii ugu danbeeyay ee magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in wafdi ay ka mid yihiin madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Shariif  Xasan Sheekh Aadan iyo C/kariin Xuseen Guuleed ay ka dhoofeen magaalada Kismaayo iyagoo ku sii jeeda magaalada Muqidsho kadib markii uu qabsoomi waayay  shirkii wada-tashiga ee Kismaayo.

Cumar-Cweli-Gaas

Waxaa garoonka diyaaradaha ku soo sagootiyay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, iyagoo goor dhow la filayo inay Muqdisho ka degaan. Shariif Xasan ayaa la sheegay inuu diyaar gaar ah u raacay Baydhaba.

Dhinaca kale waxaa Kismaayo ku haray Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid,  Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas oo wararku sheegayaan inay sii joogi doonaan magaalada oo kulamo xasaasi ah oo gaara ay yeelan doonaan.

Waxaa mar kale la filayaa inuu Cumar C/rashiid waanwaan ka galo xiisada siyaasadeed ee ka dhex oogan Puntland iyo Galmudug oo saameyn qabyaaldeed hadda sii yeelaneysa. Inkastoo uu hore ugu guul darreystay markii uu booqday Puntland.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON