Friday, June 27, 2025

Cumar C/rashiid & Axmed Madoobe oo ku heshiiyay Laba qodob

Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali oo maanta socdaal gaaban ku tegay magaalada Kismaayo ayaa kulan wadahadal ah la yeeshay madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe) iyadoo labada dhinaca ay ka wadahadaleen arrinta muranku ka taagnaa ee Baarlamaanka Jubba.

Cumar_Axmed

Gabagabadii wahadalka labada dhinac oo ay ka qeyb galeen wasiiro ka socday xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu heshiiyay laba qodob oo kala ah:

  1. In la bilaabo xalinta cabashadii ka taagneyd dhismaha Baarlamaanka Jubba, iyadoo cid waliba oo cabasho qabta maamulka Jubba uu balan qaaday inuu  qanciyo.
  2. In Guddiyada labada dhinac ay ka shaqo bilaabaan Kismaayo si arrinta loo bilaabo.

Cumar C/rashiid iyo Axmed Madoobe oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inay isla garteen in xal loo helo cabashada ka taagan Baarlamaanka Jubba iyadoo aan la soo hadal qaadin sharcinimada doorashada Axmed Madoobe ee Baarlamaankaasi uu doortay.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON