Tuesday, July 8, 2025

Cumar C/rashiid & madaxda Puntland iyo Juba oo ku wada ciiday Garowe ( GAAS: “Ma aqoonsani Galmudug”)

Magaalada Garowe waxaa maanta Saaladii Ciidul Fitriga ku wada tukaday Garoonka kubadda Cagta Mire Awaare madax ay ka mid yihiin Ra’iisal Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake iyo hogaamiyeyaasha Puntland iyo Jubba oo ay wehliyaan dadweyn iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

SAMSUNG CAMERA PICTURES
Axmed Madoobe. C/weli Gaas iyo Cumar C/rashiid

Inta aan salaada la tukan ayay khudbado ka jeediyeen Garoonka iyagoo ku soo qaaday xaaladda dalka.  hogaamiyaha  maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu ku ciido Garowe.

Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas oo khudbad dheer jeediyay isagoo soo qaaday arrimo badan, oo sida caadada u ahayd muddooyinkan ay ka mid tahay dhismaha Maamulka Galmudug, wuxuuna sheegay  inaysan aqoonsanayn Puntland ay weli garowsan tahay in lagu tuntay dastuurka Soomaaliya.

Ra’iisal wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ayaa isna hambalyada ciida kadib ka hadlay arrimaha Puntland, Federaalka iyo midnimada Soomaaliya wuxuuna qiray inay dowladda Federaalka aqoonsan tahay xuduudaha dowladda Puntland ayna lagama maarmaan tahay in dalka laga dhiso maamulo federaal ah.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON