Friday, July 18, 2025

Cumar C/rashiid oo dhagax dhigay Mashruuca ICT oo dowladda Soomaaliya u gudbisay Puntland

Ra’iisal-wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliyeed Dr Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa maanta magaalada Garoowe ku dhagax dhigay dhismaha cusub ee ICT, kaas oo lagu soo kordhinayo  Wasaaradda Warfaafinta Puntland. Dhagax dhigan dhismaha ICT waxaa ku weheliyey, wasiirka Isgaarsiinta Soomaaliya Guuleed Maxamed Qaasim,  Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas iyo xubno ka tirsan wafdiga Ra’iisal wasaaraha iyo xukuumad goboleedka Puntland.

Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid ayaa sheegay inay sharaf u tahay dhagax dhigga mashruuca ICT oo uu hirgelinayo Bankiga Adduunka, ayna waajib tahay in dalka lagu baahiyo deeqaha laga helay beesha caalamka, Mashruuca uu faa’iido weyn u leeyahay jiilka wax baranaya iyo dadka shaqeeya dhinaca aqoonta.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa isna sheegay in nidaamkani uu wax badan kusoo kordhin doono nidaamka isdhaafsiga xogaha ee wasaaradaha kala duwan ee dawladda Puntland iyo guud ahaan isgaadhsiinta Puntland. “waa Barnaamij wax badan ka beddeli doona aqoonta, isdhaafsiga macluumaadka iyo isgaarsiinta, waa mashruuc leh wejiyo kala duwan oo hadda wejigiisii koobaad oo uu bangiga adduunku maal-gelinayo aynu maanta dhagax dhignay, ayna ku xigi doonaan mashaariic kale” ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Barnaamijkan ITC ayaa noqon doono mid lagu dardar gelin doono nidaamka isgaarsiinta Puntland iyadoo la adeegsanayo Tiknoolojiyadda Casriga ah (ICT) waxaana maal -gelin doona Bangiga Adduunka.

Goobjooge.com

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON