Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, haddana kia mida Aqalka sare ee baarlamaanka, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa mowqif culus ka qaatay khilaafka ka taagan dalalka Khaliijka.
Cumar C/rashiid oo si weyn ugu dhow dalka Imaaraadka, isla markaana la-taliye u ah dowladda dalkaasi ayaa sheegay inaysan maslaxad ugu jirin Soomaaliya mowqifka dhexdheaaxdnimo ee dawladda Soomaaliya ay ka qaatay arrintan.
Isagoo ka qeyb-galay barnaamijka Martida Makarafoonka ee VOA-da ayuu Cumar C/rashiid warkii ugu horeeyay ee uu warbaahinta la wadaago ugu baaqay dowladda Soomaaliya iyo madaxweyne Farmaajo inay ka noqdaan mowqifka ay qaateen, isla markaana la saftaan dalalka Sacuudiga iyo Imaaraadka.
Cumar Cabdirashiid wuxuu ku dooday in maslaxadda Soomaaliya ay ku jirto in lala safto dalalka Sucuudiga, Imaaraadka iyo Masar oo uu sheegay in ay mar walba usoo gurmadaan Soomaaliya.
DHAGEYSO WAREYSIGA VOA-DA