Thursday, July 17, 2025

Cumar C/rashiid oo Guddi u magacaabay Fadeexad laga faafiyay Hay’adda NISA

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke ayaa guddi xaqiiqo raadin ah u magacaabay eedo loo jeediyay hay’addaha amniga dalka.

Eedan ayaa ah in ciidamada nabadsugidda Soomaaliya ay caruur da’ yar u adeegsadaan basaasiin iyadoo xaalado halis ahna la geliyo noloshooda siiba kuwa ka soo goosta Alshabaab. Sida ay qortay Jariirada Washington Post, waxaa arrintan ka hadlay taliyaha ciidamada Nabadsugidda C/raxmaan Tuuryare.

Guddiga uu magacaabay Cumar C/rashiid waxay ka  ka kooban yihiin:

1. Wasiirka Wasaaradda Cadaalada Mudane Cabdullaahi Axmad Jaamac (Ilka-jiir)
2. Wasiirka Wasaaradda Arr. Gudaha iyo Federaalka Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa
3. Wasiira Wasaaradda Amniga Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed
4. Taliyaha Ciidanka Asluubta Gen. Bashiir Maxamed Jaamac

Guddigan ayaa soo baari doona wararka la xiriira adeegsiga dhalinyaro yar yar oo ka soo baxsaday kooxaha nabadiidka ah ee Al shabaab oo hay’addaha anmnigu u adeegsaeen inay u Basaasaan xogna uga keenaan Al shabaabka, sida lagu daabacay wargeysyada qaar.

 

Warbixinta dheer ee Wargeyska Washington Post oo meelo kala duwan laga soo ururiyay waxaa xogta ugu balaaran laga xigtay Hay’adda Elman Peace oo UNICEF qandaraas uga heysata inay dhaqan celiso caruurta kooxaha hubeysan u dagaalama ee dib loo dhaqan celiyo, waxaana qorshaha ugu weyn ee qormada uu ahaa in dowladda Mareykanka lagu cadaadiyo inay joojiso taageerada ay siiso ciidamada amniga Soomaaliya.

AKHRI WARBIXINTA  WASHINGTON POST

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON