Wednesday, June 25, 2025

Cumar C/rashiid oo ka hor yimid Go’aankii Guddiga Doorashada ee Gobollada Hiiraan & Sh-Dhexe

Ra’iisal wasaaraha xilka sii haya ee xukuumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid ayaa ka hor yimid go’aan uu soo saaray Guddiga Doorashada Dadban ee Heer Federaal.

Cumar C/rashiid ayaa sheegay in Go’aan ka gaaaridda goobta lagu qabanayo Doorashada Xildhibaanadda Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ay tahay mid u taalla Dowladda Federaalka.

Ra’iisal wasaaraha ayaa warkiisa ku sheegay Guddiga Doorashooyinka Dadban looga bahan yahay in ay wadatashi la yeeshaan Isimada ugu jira labada Gobol Odayaasha 135-ka, kadibna dib ugu soo celiyaan Dowladda Federaalka natiijada ka soo baxda, iyagoo aan wax go’aan ah gaarin.

“Waxaan u mahadcelinaya oo aan Bogaadinayaa howsha wanaagsan ee ay wadaan Guddiga Doorashadda 2016-ka , hase yeeshee waxaan rabaa inaan faro oo aan u caddeeyo Guddiga in ay ilaaliyaan Go’aanadii lagu gaaray Madasha Hogaamiyeyaasha Qaran“ Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Arrintan ayaa soo shaac bixineysa khilaaf kale oo u dhaxeeya madaxda xilkooda dhammaaday ee dowladda Federaalka, siiba Madaxweynaha iyo Ra’iisal wasaaraha, oo hadda u wada sharxan xilka madaxweynaha.

Guddiga Doorashada ayaa shalay soo saaray go’aan ah in magaalada Muqdisho lagu soo xuli doono xildhibaanada labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

AKHRI GO’AANKA GUDDIGA EE ARRINTAN

GFHDD iyo GDGHDD ee Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe waxay isugu yeereen madax dhaqameedyada gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ugu jira 135 ta madax dhaqameed si ay ugala tashadaan goobta doorasha ee labada gobol. Wada hadal dheer kadib, 16 ka mid ah 18ka madax dhaqameed ee labada gobol waxay isku raaceen in doorashada labadaas gobol ay ka dhacdo caasimadda Muqdisho. GFHDD isagoo tixgelinaya go’aanka odayaasha waxay soo dhaweeyeen is afgaradka odayaasha labada gobol ee ku taariikheysan 25/09/16.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON