Saturday, July 5, 2025

Cumar C/rashiid oo ku hakaday Cadaado, kana degay Garowe

Ra’iisal wasaaraga ukuumada Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cumar C/rishiid Cali (Sharma’arke) ayaa galabta ka degay magaalada cadaado ee  ee xarunta KMG ah ee maamulka Galmudug iyadoo halkaasi ay ku soo dhoweeyeen madaxda maamulkaasi oo garoonka diyaaraha Cadaado  uga hor yimid.

Cumar-Cabdirashiid-Cali-Sharmaarke
Cumar-Cabdirashiid-Cali-Sharmaarke

Wafdiga Ra’iisal wasaaraha  ayaa la geeyay xarunta Madaxtooyada Magaalada Cadaado halkaa iyadoo la filayo inuu wadhadal kula yeesho madxda maamulka Galmudug iyo madaxweynaha cusub ee maamulkaasi C/kariin Xuseen Guuleed.

Socdaalka Ra’iisal wsaaraha ee Cadaado ayaa waxaa ku wehliya xubno ka tirsan golaha wasiirada,wuxuuna usii gudbay Magaalada Garowe oo uu gaaray maqribnimadii, halkaasoo uu ku soo dhoweeyay madaxweynaha Puntland C/weli Gaas oo ah wehliyaan wasiirada iyo dadweyne tiro yar.

Cumar Cabdirashiid  ayaa sheegay socdaalkiisa inuu ku saabsan yahay wadatashi la xariira ka hadalka arrimaha DF iyo Puntland maadama uusan wanagsanayn wada shaqaynta labada dhinac iyo kan Jubbaland oo xiriirka horay ugu jartay Muqdisho.

Waxaa lagu wadaa inuu wadahadal adag Garowe kula yeesho C/Weli Gaas iyo Axmed Madoobe oo isku baheystay mucaaradnimada dowladda Federaalka.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

 

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON