Ra’iisal Wasaaraha xilka sii haya ee Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo Muqdisho ka wada ololihiisa siyaasadeed ayaa taageero weydiisatay xildhibaanada lagu soo doortay Cadaado.
Kulan dhex maray Cumar C/rashiid iyo xildhibaanada labada Aqal ee laga soo doortay Maamulka Galmudug ayaa shalay ka dhacay Muqdisho, waxaana kulanka ka dhex muuqday xildhibaanada sida weyn u taageersan madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud oo isna ah musharax u taagan xilka madaxweynaha.
Cumar C/rashiid ayaa u sheegay xildhibaanada inuu u taagan yahay xilka madaxweynaha Soomaaliya, isla markaana uu ka codsanayo inay codkooda siiyaan, isagoo balan qaaday haddii fursad loo siiyo inuu dalka ku hogaamin doono rabitaankooda iyo xasilooni siyaasadeed.
Xildhibaanada kulanka ka hadlay waxaa ka mid ahaa: C/waaxid Cilmi Goonjeex, Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid), Axmed Macalin Faqi iyo xubno kale oo taageeray qorshaha siyaasadeed ee musharax Cumar C/rashiid.