Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaake ayaa goor dhoweyd gaaray Magaalada Kismaayo ee fadhiga maamulka Jubba.
Waxaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Kismaayo kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Maamulka Jubba Axmed Madoobe iyo wasiiro ka tirsan maamulkaasi iyadoo socdaalka Cumar C/rashiid uu dib u dhacay dhowr maamood.
Wararka Kismaayo ayaa sheegaya in ammaanka Magaalada si weyn loo adkeeyay, iyadoo Ciidamada AMISOM iyo kuwa Maamulka Jubba ay buuxiyeen wadooyinka.
Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu wadaa inuu sii wado wadahadalka Maamulka Jubba iyo dowladda Federaalka iyo guddiyo labada dhinac ah loo sameynayo arrintaasi, waxaase xaalada weji kale u yeelatay doorashadii ka dhacday Kismaayo 15-kii Ogost oo dib loogu doortay Axmed Madoobe.
Goobjooge.com
[ad name=”HTML-1″]