Tuesday, July 8, 2025

Cumar C/rashiid oo u yeertay wakiilada Beesha Caalamka & culeys la saarayo Puntland

Wakiilada Beesha caalamka ee Soomaaliya ayaa maanta ku sii jeeda magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland iyagoo ku biiraya dadaalka Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid ku doonayo inuu maamulka Puntland ku qanciyo ogolaanshaha nidaamka 4.5

Wakiilada Beesha caalamka ayaa ee ku sii jeeda Garowe waxaa ka mida  Safiirada Mareykanka, Ingiriiska, Midowga Yurub, Itoobiya iyo kuwa kale lugta ku leh  Arrimaha Soomaaliya, waxaana la sheegay inuu u yeeray Ra’iisal wasaaraha si ay culeys u saaraan Puntland.

Socdaalka wakiilada beesha caalamka ee Garowe ayaa noqonaya kii labaad oo ay ku tagaan magaalada Garowe, iyagoo isla arrinta doorashada kala hadlaya Puntland, waxayna wararku sheegayaan in culeys weyn markan saaran yahay maamulka Puntland.

Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid iyo wakiilada Beesha caalamka ayaa iska kaashanaya culeys saarka Puntland oo la sheegay inay wajahi doonto xaalad adag oo ka dhalan doonta diidmada qaabka doorashada ee dowladda Federaalka iyo Beesha caalamka ay isku raaceen, iyadoo waqtiga jiritaanka dowladda Federaalka uu gabagabo yahay.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON