Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid ayaa laga soo xigtay inuu ka xun yahay xukunka dilka ah ee lagu riday dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku xiran dalka India.
Warka Ra’iisal wasaaraha oo soo baxay caawa ayaa yimid iyadoo madaxtooyada Soomaaliyaay sheegtay inuusan jirin xukun dil ah oo lagu riday maxaabiista ku xiran dalka India, isla markaana ay laga soo xigtay safiirka Soomaaliya u fadhiya India inuusan wax xukun ah ku dhicin dhalinyaradaasi oo maxkamadu go’aan ka gaari doonto 30-ka Bishan.
Warka uu soo saaray Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ee loo diray saxaafadda ayaa qeyb ka ah warar kala duwan oo si habqan iyo jaantaa rogan ah maanta uga soo kala baxay wasiiro iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya.
Afhayeenka madaxtooyada Daud Aweys ayaa laga soo xigtay in mas’uuliyiinta India ay beeniyeen in wax xukun ah lagu riday dhalinyarada maxaabiista ah ee ku xiran India.
Mas’uuliyiinta #Somalia iyo #India oo sheegay inaanu jirin xukun lagu riday Soomaali eedeymo burcad-badeednimo ah ugu xiran India
— Villa Somalia (@TheVillaSomalia) September 25, 2016
Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya oo VOA wareysi siiyay ayaa isna sheegay inay xiriir la sameynayaan dowladd India, safiirka Soomaaliya ee dalka India Ebyan Ladane ayaa caddeysay inuusan jirin xukunka dilka ee laga faafiyay in lagu riday maxaabiista, halka wasiirka warfaafinta Soomaaliya oo dhinaciisa ka soo saaray war-saxaafadeed u gaara.
Arrimahan oo dhan waxay muujinayaan isku xir la’aanta dowladda dhexdeeda iyo in Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid go’doon ku jiro oo aan xitaa ka warqabin wararka warbaahinta laga tebiyay.
HOOS KA AKHRI WARKA CUMAR C/RASHIID
Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka ah Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharmaarke ayaa sheegay in Xukuumadd Soomaaliya aysan ku qanacsanayn xukunka dilka ah ee dowladda India ay ku riday dhalinyaradda Soomaaliyeed ,madama aysan helin fursad ay iskaga difaacaan eedaymaha loo soo jeediyey.
“Xukumadda Soomaaliya kuma qanacsano xukunka dowladda India ay ku riday dhaliyaradda Soomaaliyeed ee ku xirnaa xabsiyadda dalkaasi, qof kasta oo bini’aadan ah waxa uu xaq u leeyahay in uu helo xukun ku dhisan Cadaladd, sidaa daraadeed waxaan aaminsanahay in muwaadiniintaas Soomaaliyeed aysan helin Cadaalad maadaama an fursad loo siinin in ay qabsadaan qareeno u doodda ama ka difaaca eedaymaha loo haysto “ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cumar.
Ra’iisul Wasaare SSharmarke ayaa tilmaamay in xukumadu ay kala hadli doonto dowladda India Xukunka ay ku riday dhalinyaradda Soomaaliyeed kuwa ku jira xabsiyadda dalkaasi sidii ay ku heli lahayeen dar-yeel bini aadanimo iyo xukun cadaalad ah .
“ Dowladda India wan kala hadli doonaa dhalinyaradda ku jirta Xabsiyada Dalkaasi sidii ay u heli lahayeen dar-yeel bini aadanimo iyo xukun ku salaysan Cadaaladda ,waxaan sidoo kale la wadaagi donaa in xukumadda Soomaaliya ay aaminsan tahay in xukunkii lagu riday dhalnyaradda Soomaaliyeed uusan ahayn mid Cadaaladda ah, aysana xaq u helin Soomaaliyeed in ay helaan fursad ay isku difacaan”ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.
Mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharmaarke ayaa ugu danbayntii xusay in Xukumadda Soomaaliya ay dadaal wayn ku bixinayso sidii ay dhaliyaradda Soomaaliyeed ee ku xiran xabsiyadda Calamka ay u heli lahayeen xukun ku dhisan Cadaalad isla markaana ay qayb ka mid ah xukun kooda ugu qadan lahayeen Xabsiyadda ku yaalla Dalka.
—-DHAMMAAD—–