Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke iyo wasiiro ka tirsan xukuumadiisa oo ay wehliyaan taliyeyaasha ciidamada dalka ayaa ka qeybgalay munaasabad lagu xusayay dhalashadii boqoradda Ingiriiska Queen Elisabeth II oo lagu qabtay safaaradda Britain ee magaalada Muqdisho.
Xafladan oo ay soo qabanqaabisay safaarada Britain ee Muqdisho ayaa lagu arkay wasiiro ka badan 9, mas’uuliyiin fara badan oo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana hor kacayay Cumar Cabdi rashiid.
Xafladda waxaa laga akhriyay taariikhda Boqoradda Ingiriiska Queen Elizabeth II oo 90 sano jirsatay, waana markii labaad oo xus dhalasho loogu sameeyo safaaradda Britain ee magaalada Muqdisho, iyadoo mas’uuliyiinta Soomaaliyeed ay ku qasban yihiin ka qeybgalkeeda.
DAAWO SAWIRRO