Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke ayaa ka hadlay qarixii qasaaraha badan geystay ee Muqdisho.
Isagoo ku sugan dalka Talyaaniga ayuu sheegay in qaraxaasi muujinayo cadaawadda ay Alshabaab u hayaan madda Soomaaliyeed, isagoo u tacsiyadeeyay dadkii ku waxyeeloobay, kuna tilmaamay musiibo qaran.
Soomaalida iyo beesha caalamka ayuu ugu baaqay inay ka qeyb qaataan gargaarka, isla markaana dowladda Soomaaliya gacan laga siiyo sidii loola dagaalami lahaa kooxda Alshabab.

DHAGEYSO WAREYSIGA VOA