Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa kulankiisii ugu horeeyay maanta la yeesahy guddoomiyaasha degmooyinka gobolka Banaadir tan iyo intii uu xilka qabtay horaantkii toddobaadkan.
Kulanka oo sidoo kale ahaa kii ugu horeeyay ee Guddoomiyeyaasha degmooyinka G/Banaadir iyo maamulka ay yeeshaan tan iyo 24-kii July oo qarax weyn ka dhacay xarunta G/banaadir ayaa looga hadlay xaaladda Amniga caasimadda, Nadaafadda, Canshuuraha iyo isla xisaabtanka, waaan goobjoog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenada maamulka gobolka Banaadir iyo Xoghayaha guud.
Kulanka ayaa la sheegay inuu saacado qaatay oo si weyn loogu dheeraaday xaaladda maamulka G/Banaadir iyo waa-shaqeynta Gobolka Banaadir.
Klankani uu maanta shir gudoomiyay guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho mudane Cumar Filish ayaa qeyb ka ah kulanka degmooyinka gobolka Banaadir ayaa markii ugu horeysay la qabtay tan iyo 24-kii bishii July ee sanadkani kadib qaraxii ka dhacay Aqalka dowlada hoose Xamar.




