Tuesday, June 24, 2025

C/weli Gaas: “Shirka Istanbuul waa mid lagu Jaha wareerinayo umadda Soomaaliyeed”

Madaxweynaha Puntland ayaa shirka maanta ka furmay Magaalada Istanbuul ee arrimaha Soomaaliya ku tilmaamay shir lagu jahawareerinayo umadda Soomaaliyeed oo aanay jirin wax ka soo baxaya, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Puntland, wuxuuna tegay dalka Mareykanka, isagoo dhinaca kale wasiiro ka tirsan maamulkiis u dirtay Shirkaasi.


 

HOOS KA AKHRI WARSAXAAFADEEDKA

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa  23-Feb-2016 ka amba-baxay magaalada Addis Ababa  ee xarunta dalka Itoobiya oo muddo ha todobaad ah uu hawlo shaqo u joogey isagoo kusii jeeda Magaalada Washington DC  ee Xarunta Waddaka Maraykanka.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sidoo kale kabaaqday shirka shirka looga hadlayo Arrimaha Soomaaliya ee uu Marti gelinayo Waddanka Turkigu, kadib markii uu u arkay Madaxweynuhu  shirkaasi in uu yahay mid ummadda Soomaaliyeed lagu Jaahwareerinayo isla markaana aanay wax dan ahi ugu jirin ummadda Soomaaliyeed shirkaasi oo aanu waxba kaga duwanayn shirarkii hore u bur-buray ee lagu qabtay Kismaayo iyo Muqdisho.

Shirka ka furmaya magaalada Istanbuul ee waddanka Turkiga  ayaa ah labo qaybood, qaybta hore ayaa ah mid looga hadlayo barnaamijka Hiigsiga cusub(New Deal) oo arrimaha diiradda lagu saari doono ay ka mid tahay maalgashiga, ganacsiga iyo dhaqaalaha waxaana qaybtaa Puntland uga qayb geleya Wasaaradaha Qorshaynta, Shaqada iyo Shaqaalaha iyo Madax New Deal-ka u qaabilsan Puntland Maxamed Xassan Barre.

Qaybta labaad ee shirka Istanbuul ayaa ahaan doonta mid looga hadlayo  siyaasadda dalka Soomaaliya oo ay ugu weyntahay nooca doorasho ee dalka kaqabsoomi doonta bilaha August iyo September ee fooda inagu soo haya, qaybtan Puntland kama qayb geli doonto maadaama Dawladda Federaalku aanay weli wax tanaasulaad ah ku samayn go’aankeedii ahaa in dalka dib loogu celiyo awood qaybsigii qabiilka ee 4.5, sidoo kalena ay Dawladda Puntland ku taagan tahay go’aankii shacabkeeda ee ahaa in aan dalka Soomaaliya dib loogu celin hannaankii hore usoo daashadey ee ee awood qaybsiga qabiilka ee  4.5.

—DHAMMAAD—-

XAFIISKA WARFAAFINTA WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON