Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa goro dhoweyd soo gaaray magaalada Muqdisho, isagoo ka qeyb galaya wadatashi Muqdisho uga furmaya madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada Soomaalida.
C/weli Gaas ayaa noqonaya mas’uulkii ugu horeeyay ee madaxda maamulada dalka oo Muqdisho yimaada, waxayna wararku sheegayaan in wadatashi hordhac ah oo la qaadanayo madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya ka hor inta aanay madaxda maamulada dalka Muqdisho soo gaarin.
Madaxweynaha Xasan Sheekh oo socdaal ku jooga dalka Jordan ayaa isna lagu wadaa inuu dib ugu soo laabto Muqdisho Taladaada, waxaana shirka Muqdisho laga sugayaa inay madaxda Soomaalida heshiis ka gaaraan qaabka doorashada dalka ee sanadkan ka hor 28-ka bishan oo golaha ammaanka u qabtay madaxda Soomaalida.
Goobjooge.com