Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland C/weli Maxamed Cali (Gaas) ayaa u magacaabay gudoomiyaha maxkamada sare ee Puntland Yuusuf Xaaji Nuur, kadib markii Maxkamadihii hore la kala diray markii uu xilligeedii dhammaaday.
Sida lagu shaaciyay wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Puntland waxaa xilkan loo magacaabay Qareen Yuusuf Xaaji Nuur oo hore usoo noqday gudoomiyihii maxkamada sare ee Puntland xilligii Cabdullaahi Yuusuf Axmed.
Yuusuf Xaaji Nuur ayaa muddooyinkii danbe ku magacawnaa xafiiska Gargaarka Puntland, waxaana xilkan loogu baahday, kadib markii uu xilkeedii dhammaaday madaxdii hore ee Maxkamadda Sare ee Puntland.
Qareenkan ayaa lagu xusuustaa markii uu ka hor yimid muddo kororsigii uu sameysatay Col. C/llaahi Yuusuf sanadkii 2001, xilligaas oo isagoo ah guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Puntland uu xukmiyay inay sharci darro tahay muddo kororsigaasi, taasoo markii dambe keentay in madaxweyne kumeelgaar ah uu ka noqdo maamulkii Puntland ee kala qeybsamay.
Goobjooge.com