Monday, July 14, 2025

C/weli Gaas oo eryay taliyihii Booliska Puntland & xaalad ka dhalatay xil ka qaadistiisa

Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali (Gaas) ayaa xilkii ka qaaday Taliyaha ciidanka Booliiska Puntland Gen. Cabdirisaaq Maxamuud Yuusuf (Af-guduud) iyo Taliyaha ciidamada Birmadka Col. Cismaan Xasan Cuuke (Af-dalow) oo dhowaan fal gacan ka hadal ah ku dhex maray magaalada Boosaaso, kaasoo keenay inuu ku dhaawacmo wasiirkii Amniga Puntland.

Wareegto uu soo saaray C/weli Gaas ayaa lagu sheegay in si kumeel gaar ah loogu  magacaabay  xilka Taliyaha Ciidanka Booliiska Puntland Gen.  Cabdirisaaq Shire Faarax Ereg oo hore u ahaa taliye xigeenka Booliska Puntland.

Xil laga eryay taliye C/risaaq Afgaduud oo muddo dheer Puntland xilal ciidan kasoo hayay ayaa loo arkaa kii uu adkaa ee uu qaato C/weli Gaas. Dadka qaar ayaa qaba in khaladka dhacay uu lahaa taliyaha Birmadka oo la maagay taliyaha Booliska.

C/weli Gaas ayaa la sheegay inuu shir gaara la yeeshay beesha uu ka soo jeedo Jeneraal Afgaduud, isagoo u balanqaaday in jagada laga qaadayo jeneraalka loo dhiibi doono qof kale oo beesha ka soo jeeda, laakiin ay qasab tahay in xilka laga qaado, taasoo beeshu aqbashay.

AKHRI WAREEGTADA

C/weli Gaas oo eryay taliyihii Booliska Puntland

GOOBJOOGE.COM

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON