Madaxwaynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa xaalad adag ka soo wajahday madaxda sare ee gobollada Putnalnd isagoo gudoomiye cusub u magacaabay Gobalka Karkaar oo ah gobol Puntland ay dib ka abuurtay oo aan ku jirin goboladii dalka ee hore u jiray.
Wareegto kasoo baxday xafiiskiisa madaxweyne Gaas oo uu shaaciyay afhayeenkiisa Cabdilaahi Quran jecel ayaa lagu sheegay in Gudoomiye cusub loo magacabaay Gobolka Karkaar kaasoo lagu magacaabo Cabdulqaadir Siciid Caarshe ‘’Dhaqaaje’’ , isagoo bedelaya Gudoomiyihii hore Mudane Cabdiquraan Maxamed Aadan.