Wednesday, July 2, 2025

C/weli Gaas oo hanjabaad culus u soo diray dowladda Federaalka Soomaaliya

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland C/weli Maxamed Cali (Gaas) ayaa hanjabaad kulul u diray dowladda Federaalka Soomaaliya kadib kulan ay golaha wasiirada maamulkiisa yeesheen Khamiistii, isagoo sheegay inay ka fiirsanayaan aayahooda iyo ka mid ahaanshaha dowladda Soomaaliya.

Cweli Gaas

Wuxuu Gaas sheegay in nidaamka Federaalka laga weeciyay qaabkii loogu talogalay, laguna bedelay mid ku saleysan aragti shaqsi iyo baahi qabiil. Wuxuu ku dooday in si bareer ah looga weekday sharciyadii la dhigtay ee la isku ogaa in federaalka lagu hirgeliyo.

C/weli Gaas wuxuu ku goodiyay in Puntland  talo wadajir ah ka qaadan doonto halka ay u guuri doonto haddii lagu sii socdo dariiqa lagu jiro, taasoo uu marqaati uga dhigay shacabka Soomaaliyeed.

Lama oga go’aanka iyo talada uu sheegay madaxweynaha Puntland waxa ay noqon doonto, laakiin waxaa muddo soo jiitamayay rabitaanka Puntland oo ku saleysan inay hesho awood la mida tan dowladda Federaalka oo ay wax waliba talo ku yeelato, iyadoo marar badan ka hor timid howlaha xukuumadda Soomaaliya iyo baarlamaanka Federalka.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

[ad name=”HTML-6″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON