Thursday, June 26, 2025

C/weli Gaas oo ku laabtay Gaalkacyo iyo shaki uu geliyay shirka Muqdisho

Madaxwewynaha Puntland C/weli Maxamed Cali (Gaas) ayaa galabta dib ugu laabtay Puntland kadib markii uu anbabaxay magaalada Kismaayo, halkaasoo uu uga qeyb galay caleemo saarkii madaxweynaha Jubbalanda Axmed Madoobe.

gaas

C/weli Gaas ayaa waxaa garoonka Kismaayo ku sii sagootiyay madaxweynaha Juba iyo xubno ka tirsan maamulkiisa, waxayna wararka laga helayo magaalada Kismaayo sheegayaan inuu shaki weyn geliyay ka qeyb galka shirka dowladda federaalka iyo maamulada federaalka ee lagu qabanayo Muqdisho 20-ka Bishan September sida looga dhawaaqay magaalada Kismaayo Axadii.

Wadahadal xalay iyo saaka dhex maray Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid oo ku haray Kismaayo, C/weli Gaas iyo Axmed Madoobe ayaa mar kale lagu guuldareystay in Mudane Gaas lagu qanciyo ka qeybgalka shirka Muqdisho oo la sheegay inuu diidan yahay.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-7″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON