Madaxweynaha maamulka Puntland C/iweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa ku dhaqaaqay fal la yaab leh kadib markii uu magaalada Garowe ku banneeyay Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya.
C/weli Gaas iyo wafdi uu hogaaminayo isla maanta ka dhoofay Garowe isagoo ku sii jeeda dalka Isu-taga Imaaraadka Carabta, waxaana ay isku weydaarteen Garoonka diyaaradaha.
Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke iyo wafdigiisa ayaa markii ay gaareen magaalada Garoowe waxaa garoonka Magaalada Garowe ee Kanooko kusoo dhoweeyey Madaxweynaha Puntland oo kulan kooban ay ku qaateen garoonka, kadibna waxaa dhoofay C/weli Gaas iyadoo R’iisal wasaaraha Soomaaliyana loo gelbiyay.
Sidoo kale xiligii Puntland ay dagaalka kula jirtay Alshabaab ayaa la ogaa inuu madaxweynaha Puntland fariisin ka dhigtay magaalada Adis ababa ee dalka Itoobiya.
Ma aha markii ugu horeysay ee C/weli Gaas sidan ku sameeyo Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid waxaana la xusuustaa bishii July 2015 in iyadoo colaad ka jirto magaalada Gaalkacyo, isla markaana Cumar C/rashiid iyo Axmed Madoobe ku sugan yihiin Puntland ay dhacday inuu socdaal dibadda ah ugu dhoofo magaalada Nairobi oo muddo toddobaad ah uu ku maqnaa.
Goobjooge.com