Thursday, June 26, 2025

C/weli Gaas oo weli ka maqan Puntland oo xaalad dagaal ku jirto [Halkee ku sugan yahay?]

Madaxweynaha maamulka Puntland C/weli Maxamed Cali (Gaas) ayaa maalintii shanaad ku sugan dalka Itoobiya iyadoo uu hore u sheegay inuu soo gaabiyay safarkiisii Qaarada America si uu dib ugu laabto xarunta maamulkiisa ee Garowe kadib markii ay xaalad dagaal soo wajahday Puntland.

C/weli Gaas oo la filayay inuu Jimcihii 18-ka bishan ku laabto Garowe kadib markii Adis kula kulmay taliyeyaasha Sirdoonka iyo ciidamada difaaca Itoobiya ayaan la ogeyn sababta keentay in waqti intaas la eg uu sii joogo dalka Itoobiya.

Dad badan ayaa is weydiinaya waqtiga dheer ee ay ku qaadatay C/weli Gaas inuu ku laabto xarunta maamulkiisa xaalada dagaal ku jira, waxayna arrintan muujisay heerkiisa hogaamineed xilliyada xaaladda degdegga ahi jiraan inay tahay mid liidata.

C/weli Gaas ayaa Puntland ka dhoofay 21-kii bishii hore ee Febraayo xilli la filayay inuu ka qeyb galo shirkii Soomaalida ee Istanbuul, wuxuuna aaday dalka Mareykanka oo uu sheegay inuu ugu socdaalay arrimo qoyskiisa la xiriira iyo la kulanka jaaliyadaha Puntland ee Waqooyiga Mareykanka, waxaana inta uu ka maqan yahay Puntland ay gaartay muddo bil ah, tiiyo Puntland ay wajaheyso dagaal xoog leh oo Alshabaab ku qaaday.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON