Sunday, June 22, 2025

C/weli Gaas oo soo jeediyay qorshe aan laga fileyn oo ku saabsan qaabka doorashada 2016

Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali (Gaas) ayaa la yimid feker cusub oo ka yaabiyay madaxda maamulada kale  iyo xitaa madaxweyne Xasan Sheekh kadib markii uu soo jeediyay in muddo 4 ama 3 sano muddada xilka loo kordhiyo Baarlamaanka Soomaaliya, lana soo doorto madaxweyne iyo xukuumad cusub oo fuliya in qorshe cad oo  doorasho guud dalka uga dhacdo.

Arrintan ayaa timid kadib is mari waa’ hareeyay shirka Madasha Qaran, laakiin waxaa ka hor yimid oo diiday dhammaan madaxweynayaasha maamulada kale sida Axmed Madoobe, Shariif Xasan iyo C/kariin Guuleed, waxaan si weyn ugu riyaaqay fikradan guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan.

Fekrada C/weli Gaas keenay ayuu markii danbe la noqday, waxayna ka mid ahayd isbedelo muhiim ah oo ku dhacay madaxda ku shirsan Kismaayo, laakiin la isku af garan waayay. Lama oga waxa ka soo bixi doona shirka Kismaayo oo xaalad xasaasi ah ku jira.

Ad

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON