Friday, June 27, 2025

C/weli Muudey: Gacanyarihii Shariif Xasan ee kala diray Barlamankii KMG ahaa & rajadiisa Musharaxnimo

Xildhibaan C/weli Ibraahim Muudey waa mid ka mida musharaxiinta u taagan xilka Guddoomiye ku xigeenka koowaad Baarlamaanka Soomaaliya, waana markii labaad ee uu xilkaasi doonayo.

Hore ayuu u soo qabtay xilkan xiligii dowladii KMG ahayd ee laba Shariif oo uu hogaaminayay Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Guddoomiye Baarlamaanna uu ka ahaa Shariif Xasan Sheekh Aadan, xilligaas oo si weyn loogu bartay waxqabadkiisa.

Xildhibaanadii dowladii KMG ee la soo shaqeeyay C/weli Muudey ayaa Goobjooge.com u sheegay inuu Baarlamaankii KMG ahaa ka dhigay howlgab, kadib markii noqday gacanyaraha Guddoomiyihii Baarlamaanka ee xilligaasi Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Baarlamaankii KMG ahaa ee dowladii labada Shariif oo markii danbe labada garab u kala jabay ee yeeshay labada guddoomiye waxay ahayd natiijo ka dhalatay siyaasadii Shariif Xasan iyo fulintii C/weli Ibraahim Muudey.

Waxay xildhibaano badan xusuustaan sidii C/weli Muudey ugu adkeystay inuu fuliyo rabitaanka Shariif Xasan, iyadoo xuquuqdii xildhibaanada ay noqotay mid aan soo dhaafin labadan nin.

Tartankii Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka ee Doorashada 2012 ayuu ku haray Musharaxan kadib markii uu waayay codad la sheegi karo inkastoo uu heysta taageerada Shariif Xasan, waxaana la filayaa in doorashada baarlamaanka 10-aad ee beri dhici doonto uu mar labaad ku hungoobo.

Baarlamaankii 8aad ee Soomaaliya wuxuu ahaa kii ugu liitay ee soo maray Soomaaliya, waxaana lagu lunsaday xuquuqdii xildhibaanada oo qaarkood ay weli deyn ku leeyihiin guddoonkii labada nin ka koobnaa, wuxuuna taariikhda ku galay Baarlamaan ay laba nin leeyihiin.

Inkastoo C/weli Muudey kasoo jeedo Beesha Shanaad, haddana wuxuu kursigiisa u wareejiyay magaalada Baydhaba, halkaasoo lagu soo doortay xaalad muran ka taagan yahay, waxaana hadda uu taageero buuxda ka heystaa Shariif Xasan oo ku fashilmay taageeradii uu siiyay C/rashiid Xiddig oo isu taagay xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Iyadoo Guddoomiye Baarlamaan loo doortay Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa haddiiba ay dhacdo in C/weli Muudey uu ku guuleysto guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka, waxay taasi noqon doontaa in Guddoonka baarlamaanka 10-aad ay ku wada jiraan Prof. Jawaari iyo Shariif Xasan.

HOOS KA AKHRI TAARIIKHDA MUSHARAX C/WELI SHEEKH MUUDEY

Cabdiweli Muudey waxaa uu qoryooley ku dhashay 1964-tii, Waxaa uu ka qalin jabiyay Machadka SIDAM 1988-dii, shaqadiisa waxaa ugu muhiimsanaa 2004-tii waxaa uu ka mid noqdey Xildhibaannada dowladdii KMG aheyd, 2012-2010 waxaa uu ahaa guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee baarlamaanka, 2012-kii Xildhibaan ayuu mar kale noqdey, waxaa kaloo uu qabtey wasiirka wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha.

Cabdiwali Sheekh Ibrahim Muudey oo baarlamaanka federaalka ah la hadlaya waxaa hadaladiisa ka mid ahaa:

“Waxaan u soo istaagey Kursiga guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee baarlamaanka, kaas oo aad maqasheen inaan hadda ka hor horey u hayay, mar kale aan u soo tartamay oo la iga adkaaday, haddana aan mar kale u istaagay oo aan jeclahay inaan ku guuleysto..”.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON