Tuesday, June 24, 2025

Daacish oo Dagaal aargoosi ah ugu hanjabtay Kooxda Alshabaab ee Soomaaliya ka howlgasha

Kooxda khilaafada islaamiga ah ee DAACISH ayaa ku hanjabtay inaysan dagaal aargoosi ah ku qaadi doonto kooxda Alshabaab ee Soomaaliya, iyadoo ku eedeysay inay leysay xubno badan oo ka mida Daacish.

Wargeys ku hadla afka Daacish oo lagu magacaabo Al-Naba’ ayaa lagu  daabacay in hogaamiyayaasha sare  Daacishta Somalia ay Alshabaab uga digeen  inay ka hor timaado howlagalkooda Soomaaliya ee ka socda Daacish.

Afhayaeenka kooxda Daacish ayaa sheegay inay in Shabaabka ka dagaalama Soomaaliya anu dooneynin joogitaanka Daacish ee Soomaaliya, balse ay go’aansadeen inay tallaabo ka qaadi doonaan si ay isaga difaacayaan weerarrada ay ku qaadayaan.

Waxay Daacish ku eedeysay inay khaarijisay Saraakiil sare oo Sooomaaliya wakiil uga ahaa hogaamiyaha Daacish Abu Bakar Al-Baqdaadi, iyadoo lasoo gaaray xilligii Daacish  aargudan lahayd.

Arrintan ayaa laag cabsi qabaa inay keento dagaal toos ah oo Soomaaliya ku dhex maray labada urur ee islaamiyiinta ah ee ugu dhiig-daadiska badan dunida xilligan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON