Sunday, July 13, 2025

Daacish oo dalka Liibiya ku gowracday 28 Itoobiyaan Kirishtaan ah

Ururka Khilaafada Daacish ayaa soo saaray muuqaal Video ah oo muujinaya 28 ruux oo qoorta laga jarayo, waxayna Daacish sheegtay inay ahaayeen Itoobiyaan Kirishtaan ah oo lagu laayay Liibiya, kadib markii ay diideen inay Jizya (madax furasho) dhiibaan ama ay diinta  islaamka qaataan.

dacish

Daacish ayaa hore ugu gowracday dalka Liibiya 21 Masaari Kirishtan ah, waxayna tani noqoneysaa markii ugu horeysay ee qaxooti ka soo jeeda Geeska Afrika ay gowracdo Daacish. Fariinta Muuqaalka ee Daacish ayaa soconeysa muddo 29 daqiiqo ah waxaa kaloo ka muuqanaya dadka la gowracay oo dhar madow iyo kuwo cas xiran oo xeebaha Liibiya gobol bartamaha dalkasi ku yaala lagu daldalayo iyadoo  madaxooda oo la jaray la saaray xabadkooda.

 

dacish2

dacish3

Dowladda Itoobiya ayaa la sugayaa jawaabta ay ka bixin doonto arrintan ka dhacday dalka Liibiya oo hadda sii noqonaya dalkii saddexaad ee si weyn ay u joogto Daacish ama IS oo ka talisa qeybo ka mida dalalka Ciraaq iyo Suuriya.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML”]

[ad name=”HTML-6″]

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON