Friday, July 11, 2025

Daacish oo dhufeyso waaweyn ka qotay Degmada Qandala & Barakac ka socda

Wararka naga soo gaaraya degmada Qandala ee gobolka Bari ayaa sheeagaya in qoysas badan ay halkaasi ka barakaceen.

Qaar ka mid ah dad kasoo barakacay ayaa VOA usheegay in dadka kasoo baxay magaalada ay hada gaareen tuulooyin u dhaxeeya Qandala iyo Boosaaso.

Sababta ku qasabtay in ay guryahooda ka barakacaan ayey ku sheegeen in kooxda qabsatay magaalada ee xiriirka la leh ururka Daacish ay bilaabeen in ay dhufeyso ka qotaan gudaha iyo daafaha magaalada, xilli ay ciidamada Puntland halkaasi ku wajahan yihiin.

Ciidamada Puntland ayaa la sheegay inay caqabad ka heysato qaabkii ay u weerari lahaayeen Qandala oo ku taala dhul buuro leh oo aan dhinac beriga laga weerari karin waxayna ku qasban yihiin inay dhinaca Xeebta ka weeraraan.

Degmada Qandala ayaa waxaa dhawaan qabsaday koox sheegatay in ay ka tirsan yihiin ururka Daacish ee ka dagaalama Suuriya iyo Ciraaq, kuwaas oo uu hogaamiyo wadaad la yiraahdo Cabdulqadir Muumin.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON